Tuesday, 27 August 2019

Waa maxay caabuqa ku dhaca dhagaha?

WAX BADAN KA OGOOW CAABUQA DHAGAHA KU DHACA

Caabuqa ku dhaca dhagta waxa uu saameeyaa qaybta dhexe ee dhagta waxaana sababa bakteeriyo ama fayris ,
Aad ayuu u xunuun badanyahay caabuqan sidoo kale dhagta waxa uu ka keena malax ama dheecaan,Wuxuu noqon karaa caabuqan mid waqti koobaan dhaca oo aad u xanuun badan iyo mid daba dheeraada oo soo laab laabta dhagtuna ay marwalba xanuunto dheecaan badana uu ka yimaado
MAXAA SABABA CAABUQA DHAGAHA?

Waxa uu sameysmaa caabuqaan marka tuubooyinka Eustachian ee u furan dhuunta ay bararaan ama xirmaan dabadeena ay malaxi ku sameysmato qaybta dhexe ee dhagta waxyaalaha ciladahaan keeni karana waxaa kamid ah
xasaasiyada/elerjiga/sanboorka
hargabka
sigaarka
qufaca badan
qumanka
Waxa ugu badan oo uu ku dhaco waa ilmaha caruurta ah sababtuna waxaa yar toobooyinka Eustachian ee furan dhuunta,
Waxa ugu badan oo ku sababana waxaa kamid hargabka oo aan ilmaha laga daaweyn marka uu ku dhaco, iyo masaasadaha ilmaha wax lagu siiyo iyaga oo jeego jeego u jiifa ama si caadi ahba,

CALAAMADAHA LAGU ARKI KARO

xanuun daran oo dhagta gudaheeda ah
qandho
cadaadis dhagta fuula oo xanuun ah
dheecaan malax ah ama biyo u eg oo ka soo baxa
maqalka oo yaraada ama taga
Calaamadahaan hadii caruurta lagu arko horey ayaa dhakhtarka loogu geeyaa,

SIDEE LOO DAAWEEYAA CAABUQA DHAGAHA?

maro yar biyo diiran oo aad ku dhaqdey oo xoogaa yara kulul saar dhagta.
qaado kaniinyaasha xanuun baabi’iyaasha ah.
hadii aad intaas ku raysan waydo booqo dhakhtar si uu kuu siiyo daawooyin qalajiyaal ah oo ku haboon.
hadii uu ilmo caruur ah oo 2 sano kayar yahay dhakhtarka balan uga qabo.
Waxaa macquul ah hadii intaas aad ku caafimaadi waydo in uu qaliin kuu sameeyo dhakhtar ku takhasusey ENT dhagaha,sanka iyo cunaha.

MAXAA KA DHALAN KARA HADAAN LA DAAWEYN CAABUQA DHAGAHA?
dhagoolnimo
luuqada oo uu ku hadli waayo ilmaha ama fahmi waayo,
caabuq ku dhaca qalfoofta lafta ah ee madaxa ku dahaaran (mastoiditis )
caabuq ku dhaca maskaxda iyo xungulaha.
dhagta oo qaraxda
SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA?
gacmahaaga dhaqo mar walba
ka ilaali dhagta in aad galiso waxyaalaha aan loogu tala galin sida biraha, fandhicilka/istakiinka ama taraqa ama earphones ka afkooda.
ilmahaaga naaska nuuji intii aad masaasad wax ku siin lahayd.
ka dheeroow sigaarka iyo in lagugu ag cabo.
talaalka ilmaha u dhamaystir.

Xigasho by  Dr-Ma'ow Malag

No comments:

Post a Comment

Waa maxay caabuqa ku dhaca dhagaha?

WAX BADAN KA OGOOW CAABUQA DHAGAHA KU DHACA Caabuqa ku dhaca dhagta waxa uu saameeyaa qaybta dhexe ee dhagta waxaana sababa bakteeriyo a...